Shirkii Bilaha ee Wasaaradda Caafimaadka oo qabsoomay.

Hoolka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxaa saaka ka furmay shirkii bilaha ahaa Shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Waxaa shirka kasoo qeyb galay wasiirka wasaaradda Caafimaadka,Agaasimaha Guud,Agaasime waxeedyada wasaaradda Caafimaadka iyo dhamaan shaqaalaha xarunta dhexe wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Qodobada looga hadlayna waxaa ka mid ahaa.

Waax Cusub oo lagu soo kordhiyay wasaaradda Caafimaadka.

Kala dameeynta Shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka.

Amniga wasaaradda Caafimaadka.

Isxaadarinta Shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr.Cabdirisaq Xirsi Xasan ayaa furay shirka oo ka hadlay qodobada intooda badan.

Agaasimaha Guud ayaa ka hadlaya World Banking-ga oo ah arin in muddo ah shaqaaluhu hadal hayeen ayuu sheegay in aysan waxba kasoo socon,oo aysan Shaqaaluhu ku mashquulin,sidoo kale waaxda Daaweynta iyo maareynta adeegyada Caafimaadka ayuu cadeeyay agaasimuhu in lagu soo kordhiyay ayna dhowaan soo shaqa gali doonto.

Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay shaqaalaha in ay shaqadooda si wanagsan u gutaan.

Madaxda wasaaradda ayaa shaqaalaha dhageysatay Su’lahooda iyo wixii ay kacabanayaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr.Cuuke ayaa soo xiray shirka kana jawaabay cabashooyinka Shaqaalaha.

Ugu dameeyntii Shirkan ayaa ah mid bil walba la qabto,laguna kala ogaado wixii soo kordhay.

2016-07-21 11.27.29 2016-07-21 11.28.10 20160721_094309 20160721_094326 20160721_094318 20160721_094348 20160721_094357 20160721_094405 20160721_094417 20160721_094455_001 20160721_094551-1