Hay’addaha nala shaqeeya
World Health Organization .......................................................... International Organization For Migration ............................................................ United Nations International Children's Emergency Fund ........................................................... United Nations Population Fund ............................................................. World Food Program ............................................................ United Nations & AIDS‎ ........................................................... Save the Chlidren ...........................................................
Kulankii wasaaradda caafimaadka iyo Safiirka Finland u fadhiya Nairobi
17523657_1354842051243313_6126988514900868471_n
Shirka billaha ee Wasaaradda
IMG-20170326-WA0006
Arday dhammaysatay xirfadda umulisooyinka
680_5
Baabuurtii Save Children ku wareejisey W.caafimaadka
images
Shaqaalaha wasaaradda oo u baxaya caawinta abaaraha
15841659_1609059252443476_453032476_n
Kulankii dib u eegista caafimaadka
IMG_8455
Booqashadii isbitaalka Garoowe
IMG_8828
Booqashadii wasiirka ee dhulka laamiga ka baxsan
laamiga

WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO DAAH-FURTAY BARNAAMIJKA SAHANKA HEERKA CUDURKA DUUMADA SHANTII SANO EE LA SOO DHAAFAY

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe ka daah-furtay Barnaamijka sahanka waxyeellada cudurka duumada sannadihii la soo dhaafay iyo tirada ilmaha ka yar shanta sano ee laga tallaalay cudurka.

Munaasabadda furitaanka ah waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta wasaaaradda  Caafimaadka Puntland,shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha UNICEF IYO WHO oo wasaaradda la shaqeeya.

Barnaamijkaan oo lagu sahaminayo natiijadii ka soo baxday waxqabadkii shantii sano ee la soo dhaafay laga sameeyey cudurka Duumada iyo saamayntii uu ku yeeshay bulshada ayaa laga fulin doonaa dhammaan degaannada Puntland, waxaana fulinaya kooxo taba-baran oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland oo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute.

Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan oo warbixin ka jeediyey furitaanka Barnaamijkaan ayaa sheegay in sahamintaan lagu ogaanayo xogta ku saabsan cudurka Duumada ee shantii sano ee tegay, si qiimayn loogu sameeyo wixii qabsoomay iyo meesha haatan la’ taaganyahay si looga sii dhaqaaqo.

5 kooxood oo ka socda Wasaaradda ayaa fulin doona barnaamjikaan kuwaasoo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute sida uu sheegay Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan oo daah-furay barnaamijka ayaa sheegay in ujeedka sahankaan yahay sidii loo heli lahaa xog dhammaystiran oo ku saabsan heerka cudurka Duumada degaannada Puntland shantii sano ee la soo dhaafay iyo dadka laga tallaalay.

“Waxay farxad weyn noo ah Maanta wasaaaradda Caafimaadka in dib u eegis lagu sameeyo laba shaqo oo shaqooyinka ugu waaweyn ee wasaarradu qabto ah labadaas shaqo oo kala ah xogta laga hayo cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay iyo qaybta kale oo ah intee ilmo ayaa tallaalku gaaray taasoo macnaheedu yahay in tiimamkaani labadaas shaqo soo qaban doonaan haddii Ilaahay idmo“,ayuu yiri Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale tilmaamay in barnaamijkaan yahay qorshe loogu talo galay Soomaaliya oo dhan si loo ogaado heerka cudurka Duumada iyo tallaalka laga sameeyey islamarkaana Puntland tahay meeshii ugu horreysay ee laga bilaabay guud ahaan Soomaaliya.

“Waa qorshe Soomaaliya oo dhan runtii loogu talo galay bal tallaal ka inta uu gaarsiisanyahay in la ogaado iyo heerka cudurka Duumadu ay Soomaaliya ka tahay. Puntland waa meeshii ugu horreysay ee laga qabanayo Soomaaliya”,ayuu yiri.

Kooxaha Caafimaad ee sahamintaan fulin doonta ayaa la siinayaa taba-bar ku saabsan hannaanka sahaminta kaasoo ay qaadan doonaan muddo saddex maalmood ah oo laga bilaabo Sabtida soo socota sida uu munaabadda ka sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan .

Sahamnintaan oo la qabto shantii sanaba mar ayaa loogu talo galay in lagu qiimeeyo barnaamijyada Caafimaadka ee uu taageero Sanduuqa Caafimaadka Global Fund kuwaasoo kala ah (Malaria, HIV AIDS iyo TB), si qiimeyn loogu sameeyo wixii qabsoomay islamarkaana mudnaan gaar ah loo siiyo meelaha u nugul cudurka.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Cuuke
wasiir
Wasiir ku xiggeen Farah Mohamed
Wasiiru Dowle Sayid Cumar
IMG-20160217-WA0000[1]
Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi
Agaasimaha-guud-ee-wasaaradda-Caafimaadka-Puntland-Cabdisaaq-Xirsi-Xasan
Follow Us

    

Follow Us