Hay’addaha nala shaqeeya
World Health Organization .......................................................... International Organization For Migration ............................................................ United Nations International Children's Emergency Fund ........................................................... United Nations Population Fund ............................................................. World Food Program ............................................................ United Nations & AIDS‎ ........................................................... Save the Chlidren ...........................................................
Kulankii wasaaradda caafimaadka iyo Safiirka Finland u fadhiya Nairobi
17523657_1354842051243313_6126988514900868471_n
Shirka billaha ee Wasaaradda
IMG-20170326-WA0006
Arday dhammaysatay xirfadda umulisooyinka
680_5
Baabuurtii Save Children ku wareejisey W.caafimaadka
images
Shaqaalaha wasaaradda oo u baxaya caawinta abaaraha
15841659_1609059252443476_453032476_n
Kulankii dib u eegista caafimaadka
IMG_8455
Booqashadii isbitaalka Garoowe
IMG_8828
Booqashadii wasiirka ee dhulka laamiga ka baxsan
laamiga

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Dhakhaatiir u Dirtay Sagaal Gobol

17910831_1718605728155494_1968713045_n (1) Wasaaradda Caafimaadka  dowladda Puntland  ayaa 26 kooxood oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal Caafimaad  u kala dirtay dhammaan goboladda iyo degmooyinka Puntland ka kooban tahay

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, laguna soo xirayay tababar saddex u socday howlwadeenada ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne k/xigeenka dowladda Puntland, Wasiirka Caafimaadka iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimaha Wasaaradda caafimaadka C/risaaq Xirsi Xasan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in kooxan caafimaad ay adeegyo isugu jira daaweyn iyo tallaal siin doonaan 35 kun qof oo ku nool 9ka gobol ee Puntland, gaar ahaan degmooyinka abaaruhu saameeyeen.

“Waxay ka koobanyihiin koox kasta 4 xirfadlayaal shaqo, kuwaasoo isugu jira qof dhakhtar ah, qof tallaale ah, qof warbixinta qoraya iyo qof wacyigaliye ah. Qorshuhu wuxuu yahay inay ka howl galaan dhammaan gobollada Puntland,Ayuu yiri Agaasimuhu.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke oo sagootiyay kooxaha caafimaad ayaa  faahfaahin ka bixiyay sida ay gobolada ugu qaybiyeen

”Gobolka Bari Saddex kooxood ayaa aadaya, gobolka Gardafuu Afar baa aadaya, gobolka Karkaar Saddex baa aadaya, gobolka Nugaal Saddex baa aadaya, Sanaag labo, Haylaan labo, Cayn saddex, Sool labo, Mudug afar, tirada Guud marka la isu geeyo waa 26 kooxood” ayuu yiri Wasiirku

Wuxuu sheegay, Wasiirku inuu ku kalsoon yahay aqoonta iyo xirfadda kooxahan caafimaad, isagoo xusay  d inay qaateen tababar la xariira howlaha ay qaban doonaan iyo sida ay ula macaamilayaan dadweynaha.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo soo xiray munaasabadda lagu sagootinayay kooxahan ayaa sheegay inuu dhawaan safar ku maray qaybo kamid ah gobollada Puntland islamarkaana uu soo arkay shaqada ay wasaaraddu qabatay.

Gababadii, Kooxahan ka kooban Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha Caafimaad oo tiradoodu gaaraysa 104 qof oo isugu rag iyo dumar ayaa ah tiradii ugu badnayd ee wasaaradu u dirto goboladda dalka si adeegyo caafimaad u siyaan dadka reer Puntland.

 

17857329_1718605511488849_240838239_n

17841723_1718605864822147_1140017514_n1

17888427_1718604618155605_1751301764_n

17888577_1718604988155568_661833046_n

17910831_1718605728155494_1968713045_n (1)

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Cuuke
wasiir
Wasiir ku xiggeen Aamina Xadhigle
Amina Xadhigle
Wasiiru Dowle Sayid Cumar
IMG-20160217-WA0000[1]
Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi
Agaasimaha-guud-ee-wasaaradda-Caafimaadka-Puntland-Cabdisaaq-Xirsi-Xasan
Follow Us

    

Follow Us