Hay’addaha nala shaqeeya
World Health Organization .......................................................... International Organization For Migration ............................................................ United Nations International Children's Emergency Fund ........................................................... United Nations Population Fund ............................................................. World Food Program ............................................................ United Nations & AIDS‎ ........................................................... Save the Chlidren ...........................................................
Kulankii wasaaradda caafimaadka iyo Safiirka Finland u fadhiya Nairobi
17523657_1354842051243313_6126988514900868471_n
Shirka billaha ee Wasaaradda
IMG-20170326-WA0006
Arday dhammaysatay xirfadda umulisooyinka
680_5
Baabuurtii Save Children ku wareejisey W.caafimaadka
images
Shaqaalaha wasaaradda oo u baxaya caawinta abaaraha
15841659_1609059252443476_453032476_n
Kulankii dib u eegista caafimaadka
IMG_8455
Booqashadii isbitaalka Garoowe
IMG_8828
Booqashadii wasiirka ee dhulka laamiga ka baxsan
laamiga

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo safar shaqo ku maraya deegaanda fog ee gobolada Bari iyo Karkaar

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. C/nasir Cismaan Cuuke Agaasimayaasha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo agaasimaha caafimaadka aasaasiga, iyo madax kale  oo safar shaqo ugu ambabaxay todobaad ka hor deegaanada fog fog ee gobollada Bari iyo Karkaar ayaa booqday deegaano hoos yimaada degmooyinka Ufayn, Iskushuban, Xaafuun, Bandarbayla iyo deegaano kale iyadoo wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradDa ay safarkooda ugu kuurgalayeen sida ay u socdaan howlaha caafimaad ee wasaaradu ay ka wado guud ahaan deegaanada Puntland gaar ahaan deegaanada laamiga ka baxsan.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xariga ka jaray xarumo caafimaad oo sanadkan wasaaraddu ka hirgelisay deegaano hoosyimaada degmada Ufayn iyo Iskushuban kuwaaso qayb ka noqonaya mashruuca caafimaadka asaasiga gobollada Bari iyo Gardafuu oo dhawaan madaxweynaha Puntland uu ka daahfuray magaalada Boosaaso.

Deegaanka Kobdhaxaad degmada Ufayn ayuu wasiirku ugu horayn xariga uga jaray Xarun Caafimaad oo wasaaraddu ka hirgelisay deegaankaas oo ah mid ay ku noolyihiin bulsho farabadan waxana arintaasi si weyn u soo dhoweeyay dadka deegaanka Kobdhaxaad iyo Qaar kamid ah xildhibaanda Puntland ee kasoo jeeda deegaankasi wasiirka ayaa sidoo kale inta uu san u sii gudbin degmooyinka kale wuxuu kormeer ku tagay xarumaha caafimaadka degmada Ufayn isagoona xarun weliba wuxuu la kulmayay shaqaalaha ka howlagala Xarunta iyo maamulka Caafimaadka.

Degmada Iskushuban oo ka mid ah degmooyinka qadiimiga ah ayaa iyana wasiirku kormeero ku sameeyay xarumaheeda caafimaadka wuxuuna degmada xariga uga jaray Xarun caafimaad oo laga hirgaliyay deegaanka Timirshe taaso ah mid si casri ah loo dhisay laguna qalabeeyay Qalab caafimaad oo horumarsan. Wasiirka oo saxaafada kula hadlay gudaha xarunta ayaa tilmaamay in xaruntan iyo xarunta Kobdhaxaad iyo dhammaan xarumaha kale ee bulshda u adeega saddexda sano ee soo socda adeegooda iyo dhaqaalaha ku baxaya uu yahay mid ay wasaaradda iyo Save The Children iska kaashanayaan xiligana gacanta lagu hayo sidaa daraadeed shaqaalaha looga baahanyahay inay dardar galiyaan howlaha caafimaad ee bulshada ay u hayaan, dadkana looga baahanyahay inay ka faa’idaystaan xarumaha caafimaadka.

Gobolka Karkaar gaar ahaan degmooyinka Xaafuun iyo Bandarbayla oo wasiirku sidoo kale booqday ayaa wuxuu kormeeray xarumaha caafimaadka ee ku yaala degmooyinkaasi iyo waliba xarumaha kale ee laga maamulo wuxuuna wasiirku intuu ku sugnaa xarumaha mid mid ula kulmayay shaqaalaha caafimaadka isagoona ku booqanaya goobtiisa shaqo si uu u kormeero howlaha shaqo ee shaqaalaha ay u hayaan bulshada, wasiirka ayaa sido kale warbixino ka dhagaystay shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala dhammaan xarumaha uu booqday.

 


width=










Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Cuuke
wasiir
Wasiir ku xiggeen Farah Mohamed
Wasiiru Dowle Sayid Cumar
IMG-20160217-WA0000[1]
Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi
Agaasimaha-guud-ee-wasaaradda-Caafimaadka-Puntland-Cabdisaaq-Xirsi-Xasan
Follow Us

    

Follow Us