Shirweynihii ururka dhaqaatiirta Puntland oo lagu qabtay Garowe

Ururka dhaqaatiirta Puntlland ayaa soo gabagabeeyay shirkoodii labaad ee sanadlaha ahaa, kaasoo looga hadlayay waxqabadka ururka iyo doorashada gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Puntland iyo guddiga sare ee dhaqaatiirta

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise (Cuuke ) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ka qeyb galay shirkaan, waxaana sidoo kale kasoo qeyb galay in ka badan 50 qof oo isugu jiray dhaqaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo ka socda gobolada Puntland.

Waxyaabaha aad looga hadlay shirkaan waxaa kamid ahaa falaqaynta xeer hoosaadka xirfadlayaasha caafimaadka, sidoo kale Dr. Ibraahim Obsiiye Cilmi ayaa madasha kasoo jeediyay warbixin uu kaga hadlayay guulaha ururku dhaqaatiirtu gaareen, caqabadihii ay la kulmeen iyo casharadii ay ka barteen.

Gudoomiyihii hore ee ururka dhaqaatiirta Puntland Dr Cabdi Risaaq Cartan ayaa sheegay ururka dhaqaatiirtu inuu wax badan ku tilaabsaday labadii sano ee uu jiray, sidoo kalena ay jiraan waxyaabo badan oo aan usuurto gelin, kuwaas oo kamid ahaa qorshayaasha ururka.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cuuke iyo agaasimaha guud Dr. Cabdirisaaq Xirsan Xasan ayaa madasha ka hadlay, waxayna sheegeen wasaaradda caafimaadku inay kaalin weyn ka qaadatay meesha uu haatan taagan yahay ururka dhaqaatiirta Puntland, waxayna wasiirka iyo agaasimuhu faahfaahin ka bixiyeen xeerka xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo su’aalo dhowr ah laga weydiiyay.

Ugu dambayn waxaa shirka gabagabadiisii gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Puntland loogu doortay Dr. Cabdiqaadir Maxamed Jaamac (Dhagacade), waxaana xilkaan kula tartamay tiro musharixiin ah, sidoo kale waxaa isla meesha lagu doortay guddiga sare ee ururka dhaaatiirta Puntland.