Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kulan u qabatay Odayaasha dhaqanka Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka  Puntland ayaa Manta qabatay kulan looga hadlayo muhiimada Caafimaadku uu u leeyahay Bulshada, una qabatay Odayaasha dhaqanka Gobolada Nugaal iyo Sool,Kulankan ayaa waxaa goob jog ahaa Madaxda wasaaradda Caafimaadka Puntland,waxaana diirada lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa arimaha Caafimaadka.

Ku simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Caafimaadka Asaasigaa ah Cabdirisaq Abshir Xirsi(Garweyne) ayaa sheegay in ay xaqiiqsadeen in nabadoonada la’aantood aanu suurta gal ahayn in la gaaro hiigsiga caafimaadka.

Dr.Cabdinasir Cusman Cuuke wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland oo furay shirkaan ayaa sheegay in ay tahay muhiimada shirkan loo qabtay in la isku wacyi galiyo sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha keena Caafimaad xumada Bulshada,Tusaale ahaan Biyaha wasakhaysan ee Barkadaha oo keena cuduro badan oo ay ka mid yihiin Shuban biyoodka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Olyada ay Baabuurtu ku daadiso wadooyinka ay tahay halis weyn oo keena Cuduro ay ka mid yihiin Cudurka Canserka.

Ugu dameeyntii wasiirka ayaa ugu baaqay nabadoonada in ay bulshada gaarsiiyaan baraaruga Caafimaad, isla markaana shacabka kala hadlay in ay ka feejignaadaan wax walba oo caafimaad daro keeni kara.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????