Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo la xisaabtameysa Ha’yadaha la shaqeeya.

20160321_100407 Waxaa  holka wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland  ka furmay shir socon doona hal maalin  oo ay wasaaraddu kula xisaabtameyso ha’yadaha caalamiga waxay qabteen sadexdii bilood ee la soo dhaafay.

Waxaa ugu horeyn shirka furey Agaasimha Caafimaadka aasigaa mudane: Cabdirisaq Abshir Xirsi(Garweyne), waxa uuna sheegay in shirkan yahay mid sadexdii biloodba mar la qabto oo wasaaraddu kula xisaabtanto ha’yadaha la shaqeeya, si loo ogaado wixii u qabsoomay mudadas iyo wixii dhib u dhac ah.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa ha’yadaha kala ah, World Vision, MDM, Save children,SRC,Mercy corp iyo Ha’yada Unicef.

Shirkan ayaa noqon doona mid diirada lagu saaro hormarinta caafimaadka bulshada reer puntland.

20160321_09252120160321_09274220160321_09235120160321_09260520160321_09242820160321_092920