Hay’addaha nala shaqeeya
World Health Organization .......................................................... International Organization For Migration ............................................................ United Nations International Children's Emergency Fund ........................................................... United Nations Population Fund ............................................................. World Food Program ............................................................ United Nations & AIDS‎ ........................................................... Save the Chlidren ...........................................................
Kulankii wasaaradda caafimaadka iyo Safiirka Finland u fadhiya Nairobi
17523657_1354842051243313_6126988514900868471_n
Shirka billaha ee Wasaaradda
IMG-20170326-WA0006
Arday dhammaysatay xirfadda umulisooyinka
680_5
Baabuurtii Save Children ku wareejisey W.caafimaadka
images
Shaqaalaha wasaaradda oo u baxaya caawinta abaaraha
15841659_1609059252443476_453032476_n
Kulankii dib u eegista caafimaadka
IMG_8455
Booqashadii isbitaalka Garoowe
IMG_8828
Booqashadii wasiirka ee dhulka laamiga ka baxsan
laamiga

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo La Wareegtay Saddex Baabuur

10-1Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa hay’adda Save the Children kala wareegtay saddex gaari oo loogu talagalay inay ka howlgalaan gobolka karkaar ee Puntland.

Xaflad kooban oo lagula kala wareegayay baabuurta ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda, waxaana ka qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Madax ka socotay hay’adda Save the children.

Madaxa Hay’adda Save C/qafaar cilmi Xaange ayaa sheegay in baabuurtan loogu talagalay in wax looga qabto xaaladda caafimaad ee degaanadda gobolka karkaar,mid kamid ah waxa uu yahay kuwa gar-gaarka deg dega ah ee caafimaadka ee loo yaqaano (Ambulance).

Wuxuu sheeegay in baabuurtan ay qayb ka yihiin Barnaamij ay hay’adu ka wado Puntland  oo lagu magacaabo (Change), isagoo intaas ku daray in horay wasaaradda ugu wareejiyeen 6 gaari, kuwaasoo loogu talo galay in loogu adeego dadka abaartu saamaysay ee ku sugan gobolkaas.

“hay’adda save the children diyaar bay taahay markasta inay la shaqayso wasaaradda caafimaadka, gaar ahaan xiligaan ay dalka ka jirto abaar baahsan” ayuu yiri xaange.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa ka mahadceliyay deeqda baabuurta ah ee lagu wareejiyay, wuxuuna  ballan qaaday in sida ugu wanaagsan loogu adeegi doono shacabka.

Wuxuu sheegay in baabuurtan ay adeegsan doonaan kooxo caafimaad loo diro degaamadda dadku u soo  hayaameen ee gobolka Karkaar maalmaha soo socda.

Gabagabadii, Mashruucan  loogu magac daray Isbedel (Change) oo ay si wadajir isaga kaashadaan  wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay’adda Save ayaa muddo muddo Shan sano ah socday, iyadoo wajigiisii labaad uu  bilaabmay sannadkii hore 2016 wuxuuna  ku eg 2019, waxaana taageero ka gaysanaya hay’ad laga leeyahay Ingiriiska oo lagu magacaabo DFID taasoo ka shaqaysa arrimaha samafalka.

2-2

4-4

9-1 (1)

11-1

unnamed-1

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Cuuke
wasiir
Wasiir ku xiggeen Aamina Xadhigle
Amina Xadhigle
Wasiiru Dowle Sayid Cumar
IMG-20160217-WA0000[1]
Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi
Agaasimaha-guud-ee-wasaaradda-Caafimaadka-Puntland-Cabdisaaq-Xirsi-Xasan
Follow Us

    

Follow Us