Wasiirka Cafimaadka Dowlada Puntland Dr.Cabdinasir Cusman Cuuke ayaa Maanta Tababar u furay shaqaalaha Xarumaha Cafimaadka Gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Duumada.

Furitaanka Shirka waxaa kasoo qeyb galay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka,Madaxa Malariayada ee Unicef Dr.Aliu,Shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiin kale.

Tababarkan ayaa Socon doona mudo 7 Barri ah  waxaana diirada lagu saarayay Maamulida iyo Daaweynta Cudurka Duumada.waxaa kale oo la isla soo Qaaday sidii bulshada loo bari lahaa dawo cusub oo la siinayo bukaanka la il daran malaria.

dr Cabdi naasir Wasiirka cafimaadka dowlada pl ayaa sheegay in shaqaalaha ku Howlan duumada looga baahan Yahay in bulshada ay Wacyi galin siiyaan si khatarta uga Bad baadaan

Dr.Aliu Madaxda Malariyada Unicef ee Soomaaliya ayaa Kamahad Caliyay sida Wasaarada Cafimaadku markasta ugu howlan tahay arimaha malaria isagoona ku  Booriyay shaqaalaha ka shaqeeya dumada inaan Qof aan la baarin Dawo la siin Karin Waxaa sidoo kale uu diirada saaray fa iidad dawada Cusub ee dhawaan la filayo Puntland inay soo Gaarto

Cudurka Duumada ayaa sanadihii 2012-2013-2014 kulaayay Magaalada Boosaaso Dad  ka Badan 30 qof.

20160815_095830 20160815_095842 20160815_095927 20160815_095939 20160815_100022